Traditional Somali story warning against arrogance and showing the importance of cleverness in facing adversity.

Vocabulary: Traditional Story
Difficulty: Intermediate
# of Questions: 8

[fruitful_dbox]Step 1: Practice Vocabulary[/fruitful_dbox]

 

[fruitful_dbox]Step 2: Read Story[/fruitful_dbox]

Dawaco iyo wiyil baa beri is-helay. Dawaco waxay ku tiri wiyishii, “Igama xoog badnid.”

“Waan kaa xoog badnahay ee waxaad yeeshaa, iga har,” bay wiyishiina tiri.

“Haddaad iga xoog badan tahay xariggan bal dhinac qabo, anigana dhinaca kale. Bal waa kii la jiidaa labadeenna,” ayaa dawaco tiri.

Wiyishii markay dhinac qabatay ayaa dawaco orodday, maroodina u tagtay. Waxay ku tiri, “Abboow maroodi, wiyil baa shalay oo dhan ku faanaysay inay kaa xoog badantahay. Sir baan u gelay. Xarig baan dhinac u dhiibay oon ku iri, ‘Dhinaca kale anaa qaban.’ Inaad ka xoog badan tahay waan hubaa ee xooggaada ma tusi kartaa?”

“Haa,” buu maroodi yiri.

Labada dhinac bay u kala dhiibtay maroodi iyo wiyil. Wiyishii waxa lagu dhigay waa la ogaa. Wiyishii baa markii dambe fiigtay markay ogaatay in laga xoog badiyey.

 

 

[fruitful_dbox]Step 3: Su’aallo[/fruitful_dbox]

[mlw_quizmaster quiz=6]