Traditional Somali morality tale about keeping trust with those around you.

Vocabulary: Traditional Story
Difficulty: Advanced
# of Questions: 9

[fruitful_dbox]Step 1: Practice Vocabulary[/fruitful_dbox]

 

[fruitful_dbox]Step 2: Read Story[/fruitful_dbox]

Nin baa beri guri mas ku jiro degay. Markaasuu maskii arkay. Maskuna mas daallin ah ma ahayn. Maalin walba carruurta iyo xoolaha dhexdooduu iska mari jiray oo waxba ma yeeli jirin.

Maalin dambe uun baa ninkii tashaday oo is yiri, “Oo waar, horta maskanu yaanu xoolaha iyo carruurta kaa cunin ee maad dishid?” Markaasuu maskii oo geed jirriddii ku hurda u yimid oo is yiri, “Seef qoorta kaga dhufo!” Markaasuu la waayey oo seeftii jirriddii ku dhacday. Markaasaa maskii toosay oo cararay oo god galay.

Habeenkii markii la seexseexday buu maskii soo baxay oo ninka wiilkiisii curadka ah qaniinay. Markaasaa wiilkii dhintay.

Subixii baa ninkii maskii u yimid oo ku yiri, “Waar, masyahow, aan wacatanno oo is deyno!” Markaasaa maskii yiri, “Waar, ninyahow, berigii horeba waa taynu nabadda ahayn ee aad goysay; haddana intaan anna seeftaa jirridda ku taal arkayo, adna wiilkaaga xabaashiis arkayso, wacad inoo ma xirmayno ee ina kala kaxee!”

 

 

[fruitful_dbox]Step 3: Su’aallo[/fruitful_dbox]

[mlw_quizmaster quiz=5]